Maraykanka oo Ukraine ka bilaabay olole uu hubka Ruushka uga dhigayo dalkaasi (Qori lagu bedelayo Aakaha)

0

(Kyiv) 12 Luulyo 2022 – Ciidanka Qaranka Ukraine oo ay ka mid yihiin Ciidamada Xoogga, Ilaalada Xuduudaha, iyo kooxaha kale ee Qalabka Sida ee Ukraine ayaa la sheegay in la waafajinayo heerarka NATO waase geeddi-socod aad u dheer oo ay ku jiraan caqabado badan.

Hadda waxaa inta badan la hirgeliyaa qorshe ciidanka dalkaasi looga ururinayo qoriga AK-47 oo lagu bedelayo qoriga Maraykanka ee UAR-15, kaasoo ay laakiin soo saartay shirkadda maxaliga ah ee Zbroyar oo naqshadda la siiyey.

Ruqsadda soo saarista hubkan ku salaysan naqshadda nidaamka AR-15 iyo AR-10 ee adduunka oo dhan ayaa waxa Zbroyar siisay shirkad laga leeyahay Maraykanka ee Daniel Defence, oo caan ku ah qorigan.

Qaybaha muhimka ah qaarkood ee qorigan haatan Ukraine lagu sameeyo ayaa weli ka yimaada shirkaddan Maraykanka ah.

UAR-15, the Zbroyar clone of AR-15 replaces Soviet Kalashnikov
Photo: Ukrainian MoD

Zbroyar ayaa hubkan ay Ukraine ku dhistay ee UAR-15 markii ugu horreeysey suuqa kusoo gelisey magac shirkadeed la yiraahdo UKROP 2020.

Waxaa markiiba la bilaabay in ciidamada Ukraine qaar lagu qalabeeyo, balse hadda ayaa si cad loogu dhawaaqay qorshahan Aake la dirirka ah oo dhashay kaddib Febraayo 24, 2022.

Qorigan oo bandhig ahaan la mid ah AK-74 ayaa la mariyey tijaabooyin dhowr ah sida in lagu rido jawi aad u qabow oo – 50 digrii ah.

Maraykanka iyo dalalka NATO ayaa dalka Ukraine ku hafinaya hub kala duwan oo ay qaarkood halkaa ku tijaabinayaan.

National Guard of Ukraine
Photo: Defence-Blog

Hadalsame Media