Xiisad dagaal oo ku saabsan degitaanka dayuurad ay dirtay DF oo ka taagan Boosaaso

0

(Boosaaso) 11 Luulyo 2022 – Iska horimaad u dhaxeeya ciidamada PMPF-ta & PSF-ta Puntland ayaa lasoo sheegayaa inuu ka socdo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso.

Ciidanka PSF ayaa doonayey in Garoonka Diyaaradaha laga soo dejiyo diyaaraddan oo ay la socotdaan wefdi ay soo dirtay Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Yeelkeede, Ciidanka Imaaraadku ay maamulaan ee halkaa jooga ayaa diidaya in diyaaraddani ay dagto ee PMPF.

Saraakiisha PSF ayaa iyagu amray in diyaaradda dib loogu soo celiyo garoonka oo ay soo dagto.

Diyaaradda ayaa waddey dawo iyo gargaar deeq ah oo loogu talagalay bulshada gobalka Barri, taas oo ay qayb ahaan uga heleen kaalmada Dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya lasoo gaarsiiyey.

W: D: Faarax Cabdulqaadir

Hadalsame Media