Kala hadalka & qarinta nidaamkii hore ee ciidanka Eritrea la geeyey oo su’aal culusi ka dhalatay

0

(Hadalsame) 11 Luulyo 2022 – Warbaahinta Dowladda Eritrea iyo Wasiirkeeda Warfaafinta ayaa waxay si rasmi ah u sheegeen in ciidanka wacaalkooda la la’aa ee Eritrea lagu tababarayay ee la is waydiinayey muddadii saddexda sanadood ahayd ay runtii ka tirsan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka (SNA).

Halkaa waxaa ka dhalanaysa dood cusub. Sabab?

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge, wuxuu Baarlamaanka ka hor sheegay bishii Diseember 2019-kii in aanu ogayn Ciidan Xoogga Dalka ah oo tababar loogu qaaday Eritrea.

Waxaa sidoo kale arrintan ka gaabsaday Agaasimihii hore ee Nabad Sugidda NISA, Fahad Yaasiin, kaasoo mar uu dhowaan waraysi bixiyey isna sheegay in arrinta galka ciidankaas aanay mas’uul ka ahayn iyagu, islamarkaasna aanay Nabad Sugid ahayn oo ay yihiin millateri.

Tiiyoo ay jirto in la xaqiijiyey in markii ciidankaasi la qorayey ay howsha gacanta ku haysey NSI oo xarumaha hay’addaasi laga qorayey iyadoo loo sheegayey in Qadar loo qaadayo, waxaana xilligaa daabulayey gawaari basas ah oo looga soo qaadayey Xarunta Nabad Sugidda oo garoonka diyaaradaha lagu geeyey.

Ku-simihii hore ee Taliyaha NISA Yaasiin Fareey ayaa isna dhowaan sheegay in ciidankaas ay Hay’addu wakiil uga ahayd Dowladda Federaalka, madaxdii xilligaas joogtay ee Hay’adda Nabad Sudigguna ay si gaar ah uga shaqayn jirtey agaasinkooda oo inta badan qarsoodi ahaa.

Su’aashu waxay tahay maxaa sir ka dhigayey arrinta ciidankan?

Hadalsame Media