XOG: Xubin muhim ah oo la socota wefdiga DF ee loo diidey inay Boosaaso ka degaan (Jebin Dastuur?)

0

(Boosaaso) 11 Luulyo 2022 – Iska horimaad u dhaxeeya ciidamada PMPF-ta & PSF-ta Puntland ayaa lasoo sheegayaa inuu ka socdo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso.

Ciidanka PSF ayaa doonayey in Garoonka Diyaaradaha laga soo dejiyo diyaaraddan oo ay la socotdaan wefdi ay soo dirtay Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, halka PMPF oo Imaaraadku maalgeliyo ay diideen inay degto.

Haddaba diyaaradda la amaray in hawada laga celiyo waxaa saaran Ku-simaha Madaxwaynaha Soomaaliya ahna Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka JFS, Xil.Sacdiya Xaaji Yaasiin.

Sacdiya ayaa ay wararku sheegayaan inay halkaa ka dejin lahayd gargaar bin’adaminnimo, sababta loo diidayana ma cadda.

Dhowaan ayay ahayd markii ay tagtay magaalada Garoowe oo ah degaan-doorashadeeda halkaasi oo ay sidoo kale ka dejisey gargaar kale.

Arrintan ayaa si cad u khilaafsan Dastuurka KMG ah ee DF Somalia.

Hadalsame Media