Shiinaha oo dhallinyarada Somalia ku casuumey xogo la xiriira hawada sare (Sida & meesha aad kala xiriiri karto)

0

(Muqdisho) 11 Luulyo 2022 – Safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho ayaa dhallinyarada Somalia usoo bandhigtay fursad cusub oo la xiriirta dhanka macluumaadka hawada sare oo ah wax aysan Somalia weli higsan.

5-tii bishii hore ee Juun, 2022, Shiinuhu wuxuu si guul leh u ganay Shenzhou-14. Waxaa saaran 3 cirbixiyeen oo Shiine ah,  Mr. Chen Dong, Ms .Liu  Yang iyo  Mr. Cai Xuzhe, kuwaasoo noloshooda nus-sanadka ah ee hawada sare ka bilaabay saldhigga ay dayax-gacmeedyadu ku xirtaan ee Tiangong Space Station oo u dhigma midka ISS ee ay haatan ku muransan yihiin Ruushka iyo Maraykanka oo isla maamulayey.

Barnaamij la yiraahdo “Talk with Taikonauts” ayay Shiinuhu bilaabayaan kaasoo lagu casuumey dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaysa inay wax ka ogaadaan arrimaha hawada sare amaba xirfad ahaanba u xiisaynaya. Halkan ka hel qaabka aad ula xiriiri karto.

”Dhallinyarada Soomaaliyeed ee qiimaha badanow, ma danaynaysaan hawada sare iyo safarradda xiisaha leh, wax aan horay loo arag iyo sahminta ay sameeyaan cirbixiyeennada u dhashay Shiinaha?” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Safaaradda Shiinaha.

”Waxaan kugu dhiirrigelineynaa in aad su’aalo ku soo waydiiso qaab muuqaal ama sawirro ah. Munaasabadda xigta waxaa la qaban doonaa Agoosto halkaasoo ay saddexda cirbixiyeen ay qaab online ah uga jawaabayaan su’aalaha qaar.

Marka ha ka laba-labeyn, waxaad noqon kartaa qof nasiib badan! Waxaa sidoo kale hadiyad loo diyaariyey ka qaybgalayaasha.” ayaa lasii daba dhigay.

Safaaradda Shiinuhu ma sharrixin waxa ay ula jeeddo qoraalka dambe iyo sidoo kale abaalmarinta loo diyaariyey dhallinyarada waxa ay tahay.

Hadalsame Media