Maraykanka oo si cad u qirtay in Ruushka & Shiinuhu ay ku haystaan Sucuudiga & Khaliijka (Qorshaha Washington?)

0

(Hadalsame) 11 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa difaacay qorshihiisa uu ku tegayo Sacuudiga isagoo sheegay in la shaqaynta Riyaad ay muhiim u tahay kahortagga “gardarrada Ruushka”, gaaritaanka “xasillooni wayn” oo Bariga Dhexe ka hanaqaadda, iyo xaqiijinta awoodda Washington ay ku doonayso “inay kaga adkaato Shiinaha.”

Maqaal op-ed ah oo lagu daabacay Washington Post fiidnimadii Sabtidii, Biden wuxuu si toos ah qoraalkiisan uga jawaabayey dhaleecayn ku fooggan safarkiisa, isagoo sheegay in iyada oo arrimaha xuquuqul insaanku ay had iyo jeer ku jiraan ajendaha, shaqadiisu ay tahay inuu hubiyo danaha Maraykanka “xoog iyo ammaanba” iyo “Bariga Dhexe oo ammaan ah Maraykankuna uga faa’iidaysto siyaabo badan.”

“Waa inaan kahortagnaa gardarrada Ruushka, islamarkaana aannu istaagnaa meesha ugu macquulsan ee aan kaga guuleysan karno Shiinaha, oo aan ka shaqayno xasillooni wayn oo ka dhacda gobolkan saamaynta ku leh adduunka.

”Si aan arrimahaas u samayno, waa inaan si toos ah ula falgalnaa waddamada saamaynta ku yeelan kara natiijooyinkaas,” ayuu qoray Biden, isaga oo intaa ku daray in Sucuudigu uu ka mid yahay waddamadaasi.

Madaxwaynuhu wuxuu taxay faa’iidooyin wax ku ool ah oo ku saabsan “dib u jihaynta” xiriirka “dal Washington la ahaa jaal istaraatiijiyadeed muddo 80 sano ah.”

“Marin-biyoodyadeeda ayaa lama huraan u ah ganacsiga caalamiga ah iyo silsiladaha saadka ee aan ku tiirsan nahay. Khayraadka tamarta ayaa muhiim u ah yaraynta saamaynta uu saadka caalamiga ah ku yeeshay dagaalka Ruushka ee Ukraine, ayuu yiri hogaamiyaha Maraykanku, isagoo shaaca ka qaaday in dalkan saliida qaniga ku ah ee Sacuudiga Carbeed ay hadda la shaqaynayso khubaro Maraykan ah “si ay uga caawiso xasilinta suuqyada saliidda iyadoo ay wehliyaan soo saarayaasha kale ee OPEC ku jira.

Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa diidey inay ku biiraan dalalka cunaqabataynta kusoo rogey Ruushka waxay sidoo kale xitaa diideen inay cambaareeyaan, waxayna sidoo kale xiriir sii kobcaya la leeyihiin nidaamka Beijing.

Hadalsame Media