XOG: Yaa amray inay soo degto dayuuraddii siddey wefdiga DF & Gargaarka?!

0

(Boosaaso) 11 Luulyo 2022 – Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta amray in diyaaradii ay la socotey Ku-simaha Madaxwaynaha Soomaaliya Sacdiya Salaad ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Faderaalka ay dagto, deeqadana la dajiyo oo loo qeybiyo bulshada Puntland ee loogu talagalay.

Amarka Madaxweyne kuxigeenka, waxaa si cad u diiday xubno kamid ah golaha wasiiradda oo kusugnaa Boosaaso, kuwas oo amar ka helayay Madaxweynaha Puntland iyo saraakiil katirsan ciidamada Imaaraatka Carabta ee kusugan Puntland.

Isku dayga Madaxwayne Xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha ayaa meelmar noqon waayay, isagoo Isimadda u sheegay in diyaaraddu dagayso, Deeqdana laga dajinayo oo bulshadii baahida u qabtay la gaarsiinayo.

Sacdiya Salaad ayaa todobaadyo kahor ka dajisay magaalada Garoowe, isla deeqdan gargaar, taas oo ay dawladdu la wareegtay, warar madax banaan ayaana cadeynaya in dib suuqyada looga iibshay deeqdas oo koobnayd awalba.

W; D: Faarax Cabdulqaadir

Hadalsame Media