“223 oo qura ayaa Soomaali ka ahaa!” – War cusub oo Itoobiya kasoo baxay & tirada ciidamada Eritrea jooga oo tiro badan lagu sheegay

0

(Hadalsame) 11 Luulyo 2022 – Warbaahinta Tigreega ayaa war ay qortay waxay ku sheeganaysaa in ciidamadii shalay lasoo bandhigeen taliska Casmara aysan wada Soomaali ahayn.

“Yay PFDJ isku dayaysaa inay ku doqonsato, 10,000 ayaa tagay meesha 2,000 ayaana soo baxay.

“Inta badan dadka soo xaadiray waxay ahaayeen Eriteriyaan, 223 kaliya ayaa Soomaali ahaa, kuwii kale xaggee aadeen? Waxaa jira qof diidaya inuu arrintan aqbalo!” ayay raaciyeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in askartii shalay lagu soo bandhigay MW HSM-ta hortiisa ay intooda badani ahaayeen.

Waxay Tigreegu laakiin ku fashilmeen dhanka tirada halkaa la geeyey oo ay waxay sheegeen in Ciidamada Somalia ee halkaa tegey ay ahaayeen 9000 oo askari.

Hadalsame Media