Arrin naxdin leh oo aad looga yaabban yahay oo ka dhacday magaalada Muqdisho (Daawo)

0

(Muqdisho) 11 Luulyo 2022 – Marwo Muqdisho usoo ciid tagtay ayaa waxaa lagu diley Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafadda Bandar Wanaag.

Gabadhan oo lagu magacaabo Culimo Sheekh Axmed kana timid Degmada Balcad, ayay dileen koox tuugo ah ayaa la sheegay inay ku heleen isla bannaanka gurigii ay usoo ciid tagtay oo ay xilligaa macasalaamaysey si ay dib ugu laabato Balcad.

Tan ugu yaabka badani waxay tahay inaysan gabadha oo 2 telefoon wadatey aysan kaliya dhicine ay meel halis ah middi ka geliyeen waxaa kale oo af kala qaad leh inay gabadhii ay naftu dhibayso ay isku dayeen inay faraxumeeyaan oo ay dharkii ka siibeen, sida ay sheegeen dadkii kusoo baxay.

Gabadha aabeheed oo nin iska danyara ah ayaa xitaa waayey wax uu gabadha isbitaal ugula cararo.

Culimo oo ay 2 caruur ah iyo odaygeedii uga timid Balcad ayaa la sheegay inay ka qaateen 2 telefoon oo ay wadatey, waxaana weliba la sheegay inay soo weerareen 3 nin iyadoo weliba uu middida ku dhuftay nin oday ah oo cirro leh oo sida muuqata xaafaddaba laga yaqaanno, taasoo ah arrin yaab leh maadaama ay muuqato inaysan jirin cid xaafadda ka qabata.

Arrintan ayaa u baahan in si deg deg ah wax lagaga qabto, iyadoo qayb ka ah ammaan xumo baahsan oo ka taagan magaalada Muqdisho, iyadoo dadku ay sheegeen inay tuugada soo qaadaan Bajaajlay bilaa taargo ah.

Hadalsame Media

Facebook Comments