“Cuntada xitaa waa igu dhibeen!” – Mo Faarax oo sheegtay in la yiraahdo magac kale & Qoyskii UK keenay oo uu sheegay inay “silciyeen” (Magaciisa rasmiga ah?)

0

(London) 12 Luulyo 2022 – Orodyahanka caanka ah ee Sir Mo Farah ayaa barnaamij ka baxaya BBC TV Arbacada berritoole ah waxaa uu si faahfaahsan uga waramayaa noloshiisa dhabta ah taas oo uu ku kashifayo wax badan oo aanad horay u ogayn.

Waxaa uu barnaamijka u sheegay inaanu magaciisa dhabta ahi ahayn Mo Farah ee uu magacaasi yahay mid been abuur ah Oo UK lagu keenay.

Waxaa uu barnaamijkaasi kaga waramayaa magaciisa Runta ahi uu yahay Hussein Abdi Kahin. Waxaa kale oo uu sheegayaa in qoyskii UK keenay ay yaraantiisii nolosha ku ciqaabeen.

Wasaarada Arimaha Gudaha ee UK ayaa sheegtay in ilmaha yaraantiisa si bug ah lagu soo geliyo wadanku aanu wax khalad ah ku lahayn beenta uu sharciga ku helo, balse waxay tani baxar wayn gelin kartaa reerka.

Wuxuu sheegay in kaddib geeridii aabihii 1987-kii, isaga iyo mataankiisa Xasan ay hooyayood u dirtay qaraabadooda oo ku nool Jabuuti.

Deeto in isaga loo sheegay in loo qaadayo Yurub oo magaca Max’ed Faarax la siinayo iyadoo laga bedelayo magaca Xuseen, waxaana uu sheegay in markii uu yimid Hounslow, oo galbeedka London ah lagu bilaabay silcinta oo xitaa cuntada uu cunayo loo xisaabin jirey ama shuruudo lagu siin jirey.

Wargayska Telegraph ayaa maqaalkan dheer arintaa ka qoray.

Hadalsame Media