Nin muhim u ah xogta ciidanka Eritrea la geeyey oo la socda wefdiga MW DF Somalia (Waa ninkee?)

0

(Asmara) 09 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

Ilo Eritrean ah ayaa si cad u bayaaniyey ujeedka safarka oo ah ciidamada Somalia ee jooga dalkaasi.

Waxay sheegeen inuu MW Somalia la ciidi doono Ciidamadaasi oo gaaraya 5,000 oo askari.

Waxay kaloo markii ugu horreeysey kashifeen goobta ay joogaan ee lagu tababaray oo ah biyo-xireen Gergera Dam oo u dhow Tera Emni, walow aan warka weli laga maqal Dowladda Eritrea.

Waxaa haatan arrintaa xoojinaysa in nin la yiraahdo C/risaaq Eritrean oo ka mid ahaa saraakiishii sare ee NISA ee aadka ugu dhowayd Agaasimihii hore ee Fahad Yaasiin uu wefdiga MW Xasan la socdo.

Ninkan ayaa ahaa qofka hayey galalka ciidanka loo qaaday Eritrea, kaasoo haatan kasoo muuqday safka wefdiga la socda Madaxwayne Xasan Sheekh ee maanta tegey Casmara.

Hadalsame Media