MW Somalia oo markii ugu horreeysey si gaar ah uga hadlay sababta booqashadiisa (Arrin uu ka gaabsaday)

0

(Asmara) 09 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

MW Somalia ayaase markii ugu horreeysey si gaar ah uga hadlay booqashada uu ku tegey caasimadda Eritrea ee Casmara.

“Waxaa sharaf ii ah in Casmara uu igu soo dhoweeyo Mudane Isaias Afwerki, Madaxwaynaha #Eritrea billowga booqashadayda rasmiga ah,” ayuu ku bilaabay qoraalkiisa.

“Waxaan rajaynayaa inaan ka wadahadalno arrimo muhiim ah oo la xiriira sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labadeenna dal.” Ayuu raaciyey MW Somalia.

MW XSM ma uusan soo hadal qaadin arrinta aadka loo hadal hayo inay tahay ujeedada ugu wayn ee uu halkaa u tegey oo ah ciidamo laylin loo geeyey dalka Eritrea.

 

Hadalsame Media