Eritrea oo markii ugu horreeysey kashiftay meesha ay joogaan Ciidamada la tababaray & tiradooda

0

(Asmara) 09 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

“Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal.” Ayay tiri Madaxtooyadu.

Yeelkeede, ilo Eritrean ah ayaa si cad u bayaaniyey ujeedka safarka oo ah ciidamada Somalia ee jooga dalkaasi.

Waxay sheegeen inuu MW Somalia la ciidi doono Ciidamadaasi oo gaaraya 5,000 oo askari.

Waxay kaloo markii ugu horreeysey kashifeen goobta ay joogaan ee lagu tababaray oo ah biyo-xireen Gergera Dam oo u dhow Tera Emni, walow aan warka weli laga maqal Dowladda Eritrea.

Ciidankan ayaa horay loogu eedayn jirey nidaamkii hore inay geliyeen dagaalka Itoobiya.

Hadalsame Media