Wargaysyo caalami ah oo fasiraad ka bixiyey sababta loogu orriyey Ilhaan Cumar & weriye Soomaali ah oo eedda saaray “ragga Soomaalida” (Daawo)

0

(Hadalsame) 08 Luulyo 2022 – Ilhaan Cumar ayaa soo dhowayn basbaasaysan kala kulantay xaflad ka dhacaysey magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, balse waxaa laga bixinayaa tafaasiir kala duwan.

Ilhaan Cumar ayaa ka qaybgalaysey bandhig muusig ah oo uu dhigayey Suldaan Seeraar, balse markii ay masraxa soo fuushay ayaa waxaa mar qura is qabsaday orris aan kala go’ lahayn.

Ma cadda sababta loogu orriyey ee ay weliba dadku u kala joojin waayeen orrinta, balse Cali Xaraare oo ah weriye ruug caddaa ah ayaa sababta arrintan ku tilmaamay mid la xiriirta “ragga Soomaalida oo ka masayrsan ninka caddaanka ah” ee ay raacday. Halkan ka DAAWO…

Yeelkeede, Daily Mail ayaa arrintan ku tilmaamay mid la xiriirta u ololaynteeda dadka isku jinsiga ah ee isku falaada, taasoo ay naqdiyeen culumo iyo shacab badan oo Muslimiin ah oo ku tilmaamay arrin aan ku haboonayn qof Muslim ah.

Ilhaan Cumar oo mar kale sharraxan ayay dad badani sheegeen inay waayi doonto taageerada Muslimiin badan oo ay Soomaalidu ku jirto.

Hadalsame Media