Guddiga Kahortagga Maafiyada oo war kasoo saaray dilka Xaashi Cumar Xasan (Weriye Talyaani ah oo Somalia ka shaqeeyey oo farta ku fiiqay cidda ka dambayn karta dilkiisa & shacabka oo ka fal-celiyey)

0

(Roma) 08 Luulyo 2022 – Guddiga Kahortagga Maafiyada oo war kasoo saaray dilka Xaashi Cumar Xasan, iyadoo ay warbaahinta Talyaanigu ay farta ku fiiqayaan meelo kala duwan islamarkaana dilkiisa ayaa waxaa ka fal-celiyey shacabka.

Walter Verini, Guddoomiye Xigeenka Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Partito Democratico, ahna xubin ka tirsan Guddiyada Cadaaladda iyo Kahortagga Maafiyada, ayaa si caro leh uga hadlay geerida Xaashi Cumar Xasan (AUN) oo shalay Muqdisho ugu geeriyoodey dhaawac kasoo gaarey qarax loogu xirey gaarigiisa.

Wuxuu Baarlamanka ka hor yiri: ”Waxaan idinku wargelinayaa wacaal aad u xun oo dhacay saacado yar kahor. Waxaa Muqdisho lagu qarxiyey Xaashi Cumar Xasan oo muddo dheer si cadaalad darro ah ugu xirnaa Talyaaniga.”

”Waxaan xusuustaa in Luciana iyo Giorgio (waalidka Ilaria) ay mar kasta xabsiga ku booqan jireen Xaashi, sababtoo ah waxay ogaayeen in uusan mas’uul ka ahayn dilkii ceebta ahaa.”

“Waxaan xanuunkeenna, iyo tacsida xubnaha aan u dirayo xubnaha qoyskiisa kaddib, ka codsanaynaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Xukuumadda iyo Garsoorka Talyaaniga inay si deg deg ah wax uga qabtaan arrintan, sababtoo ah waxaan rabnaa in aan fahamno sida wax u dheceen.” ayuu raaciyey Verini.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media

Facebook Comments