Muqdisho oo ay kusoo korortay qaabad cusub oo la isu daroogeeyo (Daawo)

0

(Muqdisho) 08 Luulyo 2022 – Waxaa magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah ka bilowday dhaqamo aad u kharriban oo sanadihii dambe isa soo tarayey.

Waxaa haatan soo korortay in cayayaanka Jilaca loo adeegsado daroogo oo deeto lagu shaamo.

Waxaa dabada laga jarayaa cayayaanka Jilaca ama Jiraca kaddibna dabka ayaa la saarayaa deeto marka uu qaaco ayaa sanka lala raacayaa oo la isku daroogaynayaa.

Taliye Mire Mataan oo arrintan ka hadlay ma sharrixin in Jilaca la gubayo isagoo nool iyo in kale, balse wuxuu sheegay in la la’yahay Jiraca taasoo saamayn karta hannaan-nololeedka degaanka.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media