Dhacdo dhabannahays leh oo ka dhacday magaalada Muqdisho & codsi qiiraysan (Daawo)

0

(Hadalsame) 08 Juun 2022 – Wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Sharma’arke Ooyaaye ayaa xalay sababo jacayl la xiriira loogu diley magaalada Muqdisho.

Wiilka ayaa la sheegay in toorreey wadnaha lagaga dhuftay, taasoo ka dambaysey hanjabaad kasoo gaartey qof telefoon kusoo wacay oo uga digey inuu lasii socdo gabar ay xiriir wadaag ahaayeen.

”Haddii aan anigu wax dili lahayn saacaddaan halkan ma fadhinneen, hadda wiilkaygii waa la diley welina wiilkayga waxba looma qaban.” ayay tiri hooyo Arbaay oo sheegtay in wiil kale horay looga diley.

Hooyo Arbaay ayaa sheegtay inay lafteedu wiilkeeda ka waanisey inuu iskaga haro gabadha la sheegay, iyadoo dalbatay in wiilkeedu cadaalad helo iyadoo sheegtay inay xitaa taqaanno wiilka dilka u gaystey wiilkeeda.

Wiilka dhintay oo ay agoonnimo ku korinaysey hooyadii ayaa la sheegay inuu sanadkii tegey dhammeeyey waxbarashada dugsiga sare, balse maadaama ay hooyadii Arbaay Cusmaan Alfaan ay tahay hooyo iska danyar ah oo reerka ka biisha dhar-dhaqis uma suuragelin inuu sii wato jaamacadda, waloow ay jirtey rajo ku saabsan inuu jaamacadda bilaabo.

Arrintan ayay hooyada dhibbani sheegtay inay u baahan in si daacadnimo ah wax looga qabto.

Hadalsame Media