XOG: MW Deni oo bilaabay weerar rogaal celin ah & tillaabada uu qaaday

0

(Hadalsame) 07 Juun 2022 – Warar soo baxaya ayaa bixinaya tafaasiil ku aaddan qaabka uu doonayo MW Puntland in uu ula xaalo mooshin ku fooggan.

Madaxwaynaha Puntland ee Siciid C/laahi Deni, ayaa xariir uu la sameeyey xubnaha Maxkamadda Sare ee uu dhowaan magacaabay,  ku wargeliyey in ay shaqadooda qabsadaan, oo aysan u joojin go’aanka Baarlamaanka Puntland.

Arrinta xiisaha lihi waxay tahay in Baarlamanka Puntland ay horay gaashaanka ugu daruureen magacaabistan.

Sida ay xaqiijiyaan xubno ka mid ah guddigan oo la hadlay weriye Gallan ayaa sheegaya in Deni u sheegay in aan la ogolaan karin go’aanka Baarlamaanka oo uu kasoo horjeeda “Dastuurka iyo xeerarka Puntland”, sida uu yiri.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in Madaxtooyadu diyaarinayso jawaab ku fooggan sharciyada baarlamaanka burinaya, iyadoo xiganaysa isla qodobbada Golaha Wakiillada.

Tani ayaa ka dhigan is-jiidjiid xagga sharciga ihi uu bilaabmi karo, mana jirto Maxkamad Dastuuri ah oo dhinacyadan kala saari karta, iyadoo is haysigani ka xoog badan yahay inta haatan muuqata.

Hadalsame Media