Ergayga Abaaraha Somalia oo markii ugu horreeysey meel looga yeeray (Daawo)

0

(Hadalsame) 07 Juun 2022 – Guddoonka Baarlamanka Puntland ee Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa baaq u diray Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Somalia.

Wuxuu Jibriil ugu baaqay inuu soo gaaro gobolka Puntland oo ka mid ah meelaha ay abaaruhu saameeyeen.

Waxa uu sheegay inuu Ergayga Abaaraha ugu baaqayo inuu indhihiisa sare u dhigo oo uu soo eego dhanka Puntland.

“Marka Ergayga Abaaraha laga soo tago waxaad sidoo kale Xildhibaan u tahay dalka oo dhan.” Ayuu yiri Jibriil.

MW Somalia ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur islamarkii isaga la doortayba u xilsaaray isu duwidda arrimaha abbaaraha.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media