XOG: Baarlamanka Puntland oo mooshin ka keenay MW Deni & waxa ay ku haystaan

0

(Garoowe) 07 Juun 2022 – Baarlamanka Puntland ayaa lagu warramayaa inuu ku dheggan yahay MW maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni.

Xogo soo baxaya ayaa xusaya in 22 mudane oo ka tirsan Baarlaman-goboleedka maamulku ay soo qoreen mooshin ah u yeerid Madaxwayne ah.

Xubnahan ayaa arrintaas ku dalbaday in uu 10 maalmood gudahood golaha ku hor yimaado Madaxwaynaha Puntland, Siciid Deni, kaas oo hadda ku maqan dalka Imaaraatka Carabta.

Waxyaabaha ay ku haystaan waxaa ka mid ah xeer jebin iyo gelista heshiisyo qalaad oo aan lala ogayn IWM.

Hadalsame Media