Baarlamanka Talyaaniga oo ka hadlay dilka Xaashi & DF Somalia oo arrintan wax laga waydiin doono

0

(Roma) 07 Juun 2022 – Walter Verini, Guddoomiye Xigeenka Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Partito Democratico, ahna xubin ka tirsan Guddiyada Cadaaladda iyo Kahortagga Maafiyada, ayaa si caro leh uga hadlay geerida Xaashi Cumar Xasan (AUN) oo shalay Muqdisho ugu geeriyoodey dhaawac kasoo gaarey qarax loogu xirey gaarigiisa.

Wuxuu Baarlamanka ka hor yiri: ”Waxaan idinku wargelinayaa wacaal aad u xun oo dhacay saacado yar kahor. Waxaa Muqdisho lagu qarxiyey Xaashi Cumar Xasan oo muddo dheer si cadaalad darro ah ugu xirnaa Talyaaniga.”

”Waxaan xusuustaa in Luciana iyo Giorgio (waalidka Ilaria) ay mar kasta xabsiga ku booqan jireen Xaashi, sababtoo ah waxay ogaayeen in uusan mas’uul ka ahayn dilkii ceebta ahaa. Waxaan xanuunkeenna, iyo tacsida xubnaha aan u dirayo xubnaha qoyskiisa kaddib, ka codsanaynaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Xukuumadda iyo Garsoorka Talyaaniga inay si deg deg ah wax uga qabtaan arrintan, sababtoo ah waxaan rabnaa in aan fahamno sida wax u dheceen.” ayuu raaciyey Verini.

Dhanka kale, ururradii qaybta ka ahaa dacwadii Ilaria Albi iyo saxafiyiinta Rai ayaa waxay dacwad u gudbiyeen xeer-ilaaliyaha Roma si uu falkan wax uga waydiiyo Safaarada Talyaaniga ee Muqdisho iyo Safaarada Soomaaliyeed ee magaalada Roma.

Shacabka & warbaahinta Talyaaniga ayaa iyaguna si wayn uga fal-celinaya ummuurtan oo ay u arkaan inay wax ku hoos jiraan.

Xaashi ayaa waddanka Talyaaniga kusoo qaatay xabsi ku dhowaad 19 sanadood ah oo ka mid ahaa 26 sanadood oo lagu xukumay, kaddib markii lagu eedeeyey dilka gabar weriye Talyaani  ah ahayd oo sanadkii 1994-kii ka dhacay Muqdisho.

Hadalsame Media