Dhaliil wax dhisaysa oo loo jeediyey dhismaha Masjidka cusub ee Cali Jimcaale + Sababta

0

(Hadalsame) 05 Luulyo 2022 – Waxaa shalay Muqdisho laga furay Masjidka Cali Jimcaale oo dhismihiisu soconayey 6 sanadood islamarkaana ay dhistay Shirkadda Hormuud.

$12M masaajid lagu dhisaa ayadoo 8 malyan Soomaali ah biyo iyo cunta la’aan u dhimanayaan, iyadoo hooyada Soomaaliyeed ee umulaysa 78% aysan helin adeeg caafimad isbitaal aysan ku dhalin halka 46% umul raacdaan.

Caruurta Soomaaiyeed ee isbitaal ku dhasha ay yahiin 3%, Dadka Soomaaliyeed 70% aysan helin biyo nadiif ah, 60% carruurta Soomaaliyeed aysan waxbarasho helin, qofka Soomaaliyeed ee ay garashadiisu tustay waxa Soomaali ugu baahi badan tahay inuu masaajid yahay.

Dabcan micnahaygu ma aha in masjidku uu xun yahay laakiin magaaladuba waa wada masjid haatan oo qaar baaban jamaaco ku filan helin, balse inta aan soo sheegnay ma laha.

Waxaan arkay degaan Soomaaliyeed oo deggan meel caasimadda iyo Madaxtooyada Maamulka Gobolka u jira 40km.

Dadka deggan degaankaas oo lagu sheegay 4000 oo qoys sidda uu ii sheegay Gudoomiyaha degaanku ma lahayn wax biyo ah xitaa ceel Soomaali, goob caafimaad iyo mid waxbarasho midna.

W; Q: Cabdinuur Wayrax

Hadalsame Media