Ninkii dadka ku laayey Dhoollatuska Maalinta Xorriyadda Maraykanka oo la qabtay & Google oo sameeyey arrin eex ah + Sawirkiisa

0

(Chicago) 05 Luulyo 2022 – Waxaa lasoo qabtay ninka looga shakisan yahay inuu yahay kii hubeysnaa ee dadka ku weeraray Beerta Highland Park, ee gobolka Illinois oo ay ka dhacday toogasho wadareed ay ku naf waayeen ugu yaraan 6 qof tobannaan kalena lagu dhaawacay intii lagu guda jirey Dhoollatuska Maalinta Xorriyadda Isniintii.

Gaariga tuhmanaha ayaa waxaa arkay sarkaal booliis ah abaaro 6:30pm galabnimo, kaddib “cayrsi kooban,” waxaana loo taxaabay xabsiga “dhib la’aan,” sida ay ciidamada iyo maamulku ay xaqiijiyeen fiidnimadii Isniinta aminta Maraykanka, ku dhowaad ​​9 saacadood kaddib toogashada.

Booliiska maxalliga ah iyo FBI-da federaalka ayaa horay u aqoonsaday 22-jirka Robert E. Crimo III inuu yahay ‘qofka ay xiisaynayaan’ ee ugu wayn tuhunka weerarka, waxayna xuseen inuu hubaysan yahay oo khatar yahay.

Maamulka ayaa rumaysan inuu qofka toogashada gaystay uu yahay isaga qura, balse weli wax dacwad ah laguma soo oogin ninka la qabtay.

Ninka hubaysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday Dhoollatuska Maalinta Xoriyadda isagoo wax kasoo shiishayey saqafkaha dhismaha xarun ganacsi abaare 10:15am subaxnimo aminta Maraykanka.

Waxaa uu dhaawacay tobannaan qof, waxana uu boqolaal ay ku jiraan qoysas carruur wata ku khasbay inay naftooda la cararaan iyagoo argagaxsan. 6 qof ayaa markiiba ku dhintay goobta, halka mid kalena uu ku dhintay isbitaalka.

Ninkan ayaa xogihiisa laga saaray dhammaanba degellada bulshada iyadoo marka laga raadiyo Google laguu sheegayo in la dhowrayo xeerka gaarnimada qofka, taasoo ah arrin aan dhici jirin marka ay dhibka gaystaan dadka kale ee laga tirada badan yahay.

Mid kale oo isna dad ku weeraray suuq ku yaalla Copenhagen ayaa horay loo sheegay inuu ”dhimirka” si ka ahaa.

Hadalsame Media