Xatooyo xarkaha sii goosanaysa oo ku socota agab aad looga isticmaalo Sweden & talo + Sawirro

0

(Hadalsame) 05 Luulyo 2022 – Laba sano gudahood, tirada warbixinnada xatooyada baaskiillada korontadu waxay korodhay 17% dhanka Booliis-goboleedka Bari, oo uu hoos tago gobolka Jönköping.

Ilaa bishii Maajo ee sanadkan oo kaliya, in ka badan 800 oo baaskiil oo koronto ku shaqeeya ayaa laga xaday Jönköping, Sörmland iyo Östergötland.

Christina Andersson, oo shaqaale dukaan ah, ayaa goob joog u ahayd mar macmiil taagan baaskiilkiisii korontada ee bannaanka dukaanka yaalley laga xaday.

“Waxay ahayd mid cusub, gabi ahaanba way yaabtay.” Booliiska ayaa se markii dambe helay baaskiilkii oo ku raran gaari xamuul ah Jidwaynaha E4.” ayay tiri Christina.

Lena Nilsson oo Talo-bixiye ka ah Hay’ad u doodda dadka wax laga xado ayaa ku talisay in si looga fursado tuugadan tarab tarabta ah loo baahan yahay in marka hore baaskiilka loo sameeyo xannib sharci ah oo lagu xiro iyo in ugu yaraan haddii aysan taasi jirin beteriga laga saaro oo horay loosii qaato, amaba la isku daro in si wanaagsan loo xiro beterigana laga saaro.

 

Mark Rodgers rides a Bird electric scooter in Salt Lake City on Thursday, June 28, 2018. The electric scooters just made their first appearance with 100 of them distributed in downtown. Riders are charged $1 when the rental begins, and 15 cents per minute of use. While some people have expressed excitement over an eco-friendly alternative to cars, others have expressed outrage and made threats of litigation. (Jeffrey D. Allred/The Deseret News via AP) /The Deseret News via AP)

Hadalsame Media