XOG: MW Somalia oo meesha ka saaray arrin ay ka sugaysey Dowladda Kenya

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2022 – MW DF Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kubbad cajiib ah la ciyaaray dalka Kenya oo martigelinaysa shir-goboleed ay dan ka lahayd.

Madaxwaynaha DF ayaan ka qaybgalaynin shirka hoggaamiyeyaasha wadammada ku midaysan Urur-gobaleedka IGAD, kaas oo berri ka furnaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Madaxwaynaha  Somalia ayaa taa biddaalkeeda xalay ka degey magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga.

Wuxuu halkaa ku tegey booqasho rasmi ah, isaga oo wada xaajoodyo dhinacyo badan taabanaya la yeelan doona madaxda dalka Turkiga, oo ay ka wada hadlayaan iskaashiga labada dal iyo arrimo badan oo xasaasi ah.

Kenya ayaa dhanka kale aad u doonaysey in Madaxwayne Xasan Sheekh uu kasoo qaybgalo kulan-madaxeedka IGAD.

Kenya ayaa kulankaa u arkaysey mid aad u muhim ah si ay arrimo badan ula soo qaaddo MW dalka, yeelkeede, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dirtay Raysal Wasaare Xigeenkii hore ee dalka ee Mahdi M. Guleed.

Hadalsame Media