“Duqaynta ugu horreeysa ayaa idinku dhacaysa!” – Ruushka oo u digey magaalo ku taal Finland

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2022 – Duqa magaalada Lappeenranta, oo ah magaalo yar oo Finnish ah oo u dhow xadka Ruushka, ayaa magaaladiisa kusoo jeedin doona indhaha Ruushka isagoo martigelinaya saldhig millateri oo ay leedahay NATO, sida uu sheegay Afhayeenka Aqalka Sare ee Duma ee Dowladda Ruushka, Vyacheslav Volodin maanta.

Volodin waxa uu ka faalloonayey sheeko ay daabacday warbaahinta Finland oo ku saabsan magaalo-xudduud rajaynaysa inay kororto maalgashiga dhismaha kaabayaasha ciidanka kaddib marka uu waddanku ku biiro isbahaysiga millateri ee Maraykanku hoggaamiyo.

Kimmo Jarva, Duqa Magaalada Lappeenranta, ayaa si dadban u sheegay in magaaladiisu ay martigelin karto saldhigyada Ciidanka NATO.

Warbaahinta Finnishka ah ee Yle ayaa soo xigatey Jarva isagoo sheegaya in ku biirista rasmiga ah ee NATO ay u keenayso “dareen ammaan” oo ay helaan dadka iyo ganacsiga gobolka Koonfurta Karelia.

Afhayeenka Duma ee Ruushka ayaa sheegay in duqa magaalada ay kaba khaldan tahay sida amnigu u shaqeeyo, maadaama buu yiri kaabayaasha millateriga la beegsan doono marka ugu horreeysa haddii uu dhaco dagaal u dhexeeya labada dal.

“Martigelinta saldhig NATO ma ilaalinayo Finland iyo Sweden midkoodna. Taas beddelkeeda, waxay weerar u bandhigi doontaa dadka deggan magaalooyinka martigeliya kaabayaasha millateriga.” ayuu Volodin ku qoray baraha bulshada.

Lappeenranta, oo ay ku dhaqan yihiin dad gaaraya qiyaastii 70,000, waxay ku taal meel 20km u jirta xadka Ruushanka.

Dabayaaqadii Maajo, RW Finland ee Sanna Marin of Finland ayaa sheegtay in ku biirista NATO aysan waajib dalkeeda uga dhigi doonin martigelinta saldhigyo ciidan iyo nukliyeerka NATO toona.

Hadalsame Media