Yaan laga leexan halkudhegga “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah!”

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2022 – “War toloow colka jooja! Wax walba oo dhacaa waa in ay yeeshaan xeer iyo xayndaab aan la dhaafin.

Midka taageeraha ah iyo midka ka soo horjeeda, horta waxa laysku haystaa waa hannaanka dowladnimada, ma dhicin mana dhacayso dad isku aragti arrinkaas ka noqda.

Haddaba taageerayaashu dulqaadkooda ha badiyaan, hana noqdaan kuwa wax xeeriya.

Kuwa ka soo horjeedaana dhaliishooda ha qurxiyaan, yooyootanka iyo aflagaadadu waxba ma tarto.

Hubaashii waxa aan is lahaa, taageerayaasha dowladda” Mucaaradkii guuleystay, waa beddelayaan dhaqanka kooxdii hore ee dadka caayi jirtay”.

Dhanka kale hannaanka dowladnimada waa la wada leeyahay, waxii shalay Farmaajo lagula dirirsanaa ee ahaa in awoodda, dhaqaalaha dowladda laysu adeegsado waa mid aan marnaba guul dhalineyn.

Qofka soomaaliga waxa uu leeyahay wax u garoobey(xaq) oo aan ciddina u diidi karin, kana qaadi karin, waxa kale oo saaran xil kaas oo ah inuu dhawro xeerarka ma dhaafaanka ah.

Madaxda dowladdana waxaa saaran xil in ay bulshada si siman ugu adeegaan mid taageersan iyo mid ka soo horjeeda oo saluugsanba.

Ugu dambeyn, tolow colka jooga” haddaan la kala rooraan roob ma da’ee waa in dhaqanka iyo diintaba la dhawraa.

Teeda kale taageerayaashu yeysan weydeeyn halkudhegii ahaa ” Soomaali heshiis, dunidana la hehiis ah”.

Haddii qofka dowladnimada laga xigsado, hoggaanka laga xigsado, hannaanka laga xigsado, waxaa ka dhalanaya isaguna inuu colaadiyo cid walba iyo wax walba oo dowladnimada ku saabsan. Haddaba si aysan taasi u dhicin, hala joojiyo dhaqankan gurracan ee maalmahan baraha bulshada qabsaday.

Anigu garqaadi maayo, oo layma gar dhigin, ciddaasaa quman uyo ciddaas qalloocana dhihi maayo. Balse waxa socdaa waa magac dhaan, dhaqan bi’is iyo diin xumo.

Taageere dhawr waxaa aad taageerto, oo dadka tus in aad wanaag taageerto, ee ha tusin dadka inaad xumaan tarminayso.

Saluugsanoowna waxaad saluugto si togan u dhaliil oo lafahana gur xaragadana haka tegin.

Dardaaran odayeed”.

W; Q: Cabdiraxiin H. Gallayr

Hadalsame Media