XOG: Xurguf durba soo kala dhex gashay DF Somalia & dalka Itoobiya (Waxa la isku hayo?)

0

(Addis Ababa) 03 Luulyo 2022 – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, ayaa la sheegayaa inuu ka caroodey in Xamse Cabdi Barre loo magacaabo RW DF Somalia, sida uu dhigayo warqaadka Africa Intelligence.

Xamse oo ah nin aad ugu dhow Madaxwaynaha Maamulka fadhiidka ah ee Jubaland, Axmed Madoobe, ayay sababta jariidaddani ku sheegaysaa in “sanado badan ay Jubaland noqotay goob ay gabbaad ka helaan mucaaradka Soomaalida Ethiopia maamusho.”

Dadka Jubaland gabbaadka ka helay ayay warbixintu ku sheegtay inay ku jiraan taageerayaashii Madaxwaynihii hore ee Gobolka Soomaalida ee Cabdi Iley, kaasoo xulufo la ahaa kooxda TPLF ee haatan dagaalka kula jirta Xukuumadda RW Abiy oo weerar toos ah ku qaaday bishii Nofeembar 2020, sidoo kalena ugu eedaysan dembiyo dagaal iyo tacaddiyo hore.

Cabdi Iley ayaa haatan xabsi ugu jira RW Abiy Ahmed oo xirey 2018-kii, taasoo keentay in xubnihii aadka ugu dhowaa ee la shaqaynayey oo jarriimooyin waawayn falkiyey ay usoo carareen Soomaaliya, sida ay tiri warbixinta Africa Intellegence.

Waxa ay xogtu intaa ku daraysaa in ONLF oo lafteeda dembiyo lagu eedeeyo sidoo kalena sheegtay inay ku biirtay nidaamka Itoobiya ay la hayso ama u guuxayso magacaabista Xamse, balse aanu tillaabadan xitaa ku faraxsanayn Madaxwaynaha Gobolka Soomaalida ee Mustafe Cagjar oo aad ugu dhow RW Abiy Ahmed, kaasoo la sheegay inay xiisadi kala dhaxeyso hoggaanka ONLF.

MW Mustafe Cagjar ayaa xitaa mamnuucay xaflad lagu dhigi lahaa Jigjiga 20-kii Juun taas oo lagu maamuusi lahaa magacaabista Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, sida ay qortay warbixinta Africa Intelligence.

RW Abiy Ahmed oo sidoo kale saaxib dhow la ahaa Madaxwaynihii hore ee DF Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la sheegayaa in aanay isku fiicnayn Madaxwaynaha haatan ee Xasan Sheekh, oo marar badan cambaareeyey siyaasadda Abiy xilligii uu mucaaradka ahaa.

Yeelkeede, MW Xasan Sheekh ayaa ballanqaaday inuu dal kasta ula dhaqmi doono si wanaagsan oo aanu cidna colaad gaar ah u qabin.

Hadalsame Media