Waraysigii ugu dambeeyey ee ay bixiso Khadra Daahir oo ahaa mid qiiro leh wixii ay uga hadashay (Daawo)

0

(Hadalsame) 03 Luulyo 2022 – Fanaanadda Khadra Daahir Cige ayaa shalay ku geeriyootey magaalada Hargaysa oo ay maalmihii dambe ku xanuunsanaysey.

Fanaanadda oo ka mid ahayd udub-dhexaadkii Hobolladii Waaberi ayaa 1957-kii ku dhalatay magaalada Hargaysa, iyadoo marka fanka Somalia oo ay sheegtay inay soo gashay 1974-kii, marka laga soo tago sidoo kale lahaan jirtey mihnad ciyaareed oo waxay ciyaari jirtey Kubadda Kolayga sidoo kalena heerka iskuulka oroddada ka qaybgeli jirtey.

Si kastaba, Khadra ayaa 3 todobaad uun kahor waraysi ay bixisay waxay kaga hadashay wadciga siyaasiga ah ee Somaliand oo xilligaa murugsanaa, waxayna aad u canaanatay siyaasiyiinta oo ay ku dhaliishay inay shacbiga iyo dhallinyarada dagaal geliyaan.

Khadra oo bixisay waraysi qiiraysan ayaa siyaasiyiinta ugu baaqday in nabadgelyada la ilaaliyo, iyadoo dhallinyarada laftooda ugu baaqday inaan looga baahnayn mudaaharaad rabshadaysan.

Hadalsame Media