”Weli waan diidi karnaa” – MW Turkiga oo shuruud cusub ku xirey xubinnimada NATO ee Sweden & Finland

0
Turkey's President Recep Tayyip Erdogan gives a press conference after the NATO summit at the North Atlantic Treaty Organization (NATO) headquarters in Brussels on June 14, 2021. (Photo by YVES HERMAN / POOL / AFP) (Photo by YVES HERMAN/POOL/AFP via Getty Images)

(Ankara) 03 Luulyo 2022 – Laba maalmood uun kaddib markii la isku raacay in la qaado diidmadii Turkiga ee ku biirista Sweden iyo Finland ee NATO, Madaxwaynaha Turkiga ayaa ka digey in Ankara ay weli xannibi karto geeddi-socodkaasi haddii labada waddan ay ku guuldarraystaan ​​inay si buuxda u fuliyaan wixii uu filayo.

MW Recep Tayyip Erdoğan ayaa xiritaankii shir-madaxeedka isbaheysiga ee Madrid ka sheegay in heshiiska 10-ka qodob ka kooban ee lala galay labadan dal ee woqooyiga Yurub uu guul u yahay Ankara oo ka hadashay dhammaan “xasaasiyaddeeda”.

“Howshani ma socon doonto haddii aysan ka gudbin baarlamaankeenna,” ayuu yiri Erdoğan. “Marka hore, Sweden iyo Finland waa inay gutaan waajibaadkooda… Laakiin haddii ay fulin waayaan heshiiska, dabcan ma jiro qaab aan ugu diri karno baarlamaankeenna,” ayuu ku dooday MW Turkigu.

“Tillaabada ugu horreeysa waa in dalalka soo codsanaya xubinnimadan ay aqbalaan shuruudeheenna oo ay sameeyaan ballanqaad qoraal ah. Haddii ay buuxiyaan shuruudahaasi, annaguna waan samayn doonnaa qaybteenna.” ayuu ballanqaaday.

Ankara ayaa horay u diiddey xubinnimada dalalkan waloow ay ogolaatay kaddib markii ay heshiis 10-qodob ka kooban ay la gashay Helsinki iyo Stockholm, balse weli way diidi doonaan haddii aysan fulin heshiiskaasi oo ay ku jiraan dad mucaarad ah oo lagu wareejinayo Turkiga, taasoo ay dalalkani caga-jiid wayn ka muujinayaan.

Hadalsame Media