Dal aan arrimaha Somalia ka hadli jirin oo hambalyo usoo diray DF Somalia

0

(Hadalsame) 03 Luulyo 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibedda e Maldives, C/lla Shaahid, ayaa salaan iyo bogaadin u diray Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda, ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Balal Maxamed Cusman, taasoo ku aaddan maamuuska Maalinta Xorriyadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa dhambaalkiisa ku gudbiyay salaan diirran iyo bogaadin uu u diray Wasiirka, Xukuumadda, iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Xorriyadda darteed.

Sidoo kale, wuxuu rajo ka muujiyey in xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labadeena dal uu sii xoogeysan doono sanadaha soo socda, sida uu qoraalka ku xusay.

Wasiir Shaahid ayaa dhambaalkiisa ugu duceeyey in shacabka Soomaaliyeed ay helaan nabad, horumar iyo barwaaqo ay ku waaraan.

Somalia iyo Maldives waloow ay wadaagaan Juqraafi oo ay ku wada yaallaan Badwaynta Hindiya, sidoo kalena ay taariikho hore dhexmareen, misna ma laha xiriir micne leh oo ka dhexeeya.

Hadalsame Media