Ma tahay qof doonaya inuu sahal ku helo dhul & BOOSAS badan? Sheekadan ka faa’iidayso

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2022 – Dhul Intee Le’eg Baa Qofku u Baahan? “How Much Land Does a Man Need?”

Waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay mid ka mid ah sheekooyinka gaaban ee ugu tayo sarreeya ee abid bini’aadamku qoro. Waxaa sannadkii 1886 qoray qoraagii waynaa ee Ruushka ahaa, Leo Tolstoy. Waxa kale oo loo aqoonsaday in ay tahay sheeko kalaasik “antimalarialism” ah.

Waxa ay toosh wayn ku ifinaysaa damaca iyo doonista waallida ah ee bini’aadamka iyo noloshiisa gaaban ee qofku aakhiro u carraabayo asaga oo weli daba guclaynaya urursiga hanti adduunyo. Waxa ayna sheekadu ku dhammaanaysa sillan-suganta (ironic) la yaabka leh ee labadaas arrimood (damaca waalan iyo nolosha gaaban).

Sheekadu waxa ay ka warramaysaa nin sabool beeraley Ruush ah ko ku mamaya meegaarashada goofaf badan, ninkaas oo iska dhaadhicinaya haddii uu yeesho dhulal iyo beero aad u farabadan in ayan jirin doonin wax dambe oo uu ka cabsan doono ama ka welweli doono, xataa Ibliiska.

Sheekadu waxa ay ku bilaabanaysaa Pakhom (ninka saboolka ah) oo dhagaysanaya sheeko dhexmaraysa xaaskiisa iyo walaasheed oo ayadu reer magaal ah walaasheedna ugu faanaysa nolosha magaalada oo ka qurux iyo qiimo badan tan beeraleyda. Laakiin xaaska Pakhom waxa ay ku doodaysaa in nolol magaalo aysan waxba kala maqnayn ayna ku qanacsan tahay nolosha ay ku nooshahay.

Pakhom marka uu maqlo doodda xaaskiisa iyo dumaashidiis buu iska dhaadhicinayaa in haddii uu milkiyo dhul aad wayn uusan dib dambe u arkin doonin welwel iyo walaac, xataa tu Shaydaanka uga timaadda. Ha yeeshee, Pakhom waxa uu ka warla’ yahay in Shaydaankii waynaa jabadka u taagan yahay oo warkiisa dhagaysanayo. Dabadeed, Shaydaankii ayaa go’aansanaya in uu aqbalo jaalanjiga (challenge) Pakhom (ka cabsi la’aanta sharta Shaydaanka) uu na Pakhom siiyo wax walba oo rabo, dabadeedna uu dib uga ceshado.

Maalmo ka dib haweeney deris la ah Pakhom oo dhul badan lahayd baa go’aansatay in ay dhulkeeda iibiso. Pakhom waxa uu isku duwanayaa dhammaan waxii shilimaad ahaa ee uu heli karay oo lagu daray xoogaa amaah ah oo uu saaxiibbadiis ka helay. Dagaal iyo isgarbin dheer ka dib Pakhom waxa uu ku guulaysanayaa milkinta dhulkii haweeneyda, weliba qiimo jaban.

Pakhom dhulkii cusbaa ayuu dalagyo ka duwan ku beertay hanti fiican ka sameeyay. Pakhom waa nin damac adduunyo afduubaye hantidii uu sameeyay waxa ay ku sii shidaalisay damaciisi waalnaa taasina waxa ay Pakhom ka dhigtay nin dabci qallafsan oo deriskiisi beeraleyda ahaa la heshiin waayay. Waxa uu noqday nin la nacay, weerarro badan hanjabaad culusna waa uu la kulmay. Dabadeed, Pakhom waxa uu go’aansaday in uu degaankaas ka guuro mid kale u wareego.

Pakhom inta uu dhulkiisii waynaa iibiyay buu degaan kale dhul ballaaran ka gatay mid kale na ka kiraystay. Sida caadada u ahayd Pakhom dalagyo badan oo uu hanti badan ka tabcay buu dhulkii cusbaa ka sameeyay. Laakiin gu’yaal dhowr ah ka dib Pakhom waxa uu dhibsaday ama u cuntami waayay kirada badan ee uu siinayo dadka uu dhulka ka kiraystay.

Dabadeed, Pakhom oo kirada uu dhiibayo ka walaacsan baa loo sheegay in ay jiraan qolo masaakiin ah oo reer Bashkir la dhaho, kuwaas oo haysta dhulal aad u farabadan kaas oo ay salaaso baysteyn ku iibinayaan.

Pakhom mar kale ayuu hantidiisi iibiyay, dabadeedna waxa uu socdaal u galay dhulkii reer Bashkir. Pakhom inta uusan xagga reer Bashkir u socdaalin waxaa loo sheegay in reer Bashkir qofkii haddiyado u geeyay ay siiyaan intii uu doono uu dhul ah. Pakhom oo taas maanka ku haya waxa uu horay u sii qaaday haddiyado qaali ah.

Pakhom markii uu reer Bashkir u tagay si wacan bay u soo dhaweeyeen, waxa uu na la kulmay Ugaaskoodi. Pakhom markii uu ujeeddadii socdaalkiisi sheegayna reer Bashkir iyo ugaaskoodiiba waxa ay Pakhom u sheegeen in ay siinayaan wax walba oo uu rabo intii uu doono oo dhul ahna ka iibinayaan laakiin ay ka rabaan fulinta hal shuruud, taas oo ah “waxa aad calaamaysanaysaa inta aad doonto oo dhul ah, si aad taas u samaysidna subaxdii marka waagu baryo ayaad goob cayiman oo aad calaamaysay socodka ka bilaabaysaa bartaas aad calaamaysay waa in aad ku soo noqotid inta aysan qorraxdu godka gelim (qorrax dhaca), dhammaan dhulka aad maalintaas oo dhan ku soo wareegtay adiga ayaa iska leh, keliya waxa aad bixinaysaa kun Ruubal (1000 Rubles). Laakiin haddii barta aad sodka ka bilowday aad ku soo noqon waydo qorrax dhaca kunka Ruubal waa kaa gubanaysaa.

Pakhom aad buu u farxay, waxa uu is tusay in socdaalkaas uu ku milkin doono dhul baaxaddiisu dhan tahay 30 mayl oo isku wareeg ah.

Reer Bashkir iyo Pakhom waxa ay ku ballameen in ay aroortii isugu yimaadeen barta Pakhom socdaalka ka bilaabayo. Pakhom habeenkii markii uu habeenkii qolkiisi tagay oo hurdada tagay oo uu gama’ u holladay baa waxaa la tusay riyo foolxun oo aad u naxdin badan. Waxaa la tusay asaga oo mayd ah oo dhulka yaalla maydkiisa Shaydaankii waynaana ka dul qoslayo.

Pakhom oo aan hurdo naf leh ku ladin baa subaxdii socdaal ka bilaabay bartii ballanku ahaa. Pakhom markii uu ilaa dhawr mayl toos u socday buu dhinac bidixda u leexday oo haddana dhawr mayl oo kale socday, sidaas buu maalintii oo dhan hadba dhanac ugu bayrayay asaga oo doonaya in uu meegaarto dhul aad u ballaaran. Wax uu hadba meel calanka ku mutaba, Pakhom casirkii ayuu ku baraarugay qorraxdii oo galbeed u sii hoobanaysa halkii uu saaka socdaalka ka soo bilaabayna weli aad u fogtahay, markaas buu bilaabay in uu socodka boobsiiyo.

Haddana waxaa u muuqatay in uusa qorrax dhac ka hor gaari karin bartii socodku ka soo bilowday. Welwel iyo walaac, iyo daal iyo diihaal baa Pakhom ku soo ururay, lugihiina awood waa gabeen, wadnihiina afka agtiisa ayuu soo istaagay. Waxaa u sawirmay asaga dhul uu milkiyo iskadhaafe kunkii Ruubal ka gubtay. Pakhom inkasta oo uu oon iyo daal tabcaan la yahay haddana weli isma uusan dhiibin ee orad buu bilaabay si uu qorraxda degdegaysa uga guulaysto.

Goor uu isdhiibi rabo ayuu waxa uu meel fog ka arkay reer Bashkir oo or iyo qaylo iyo sacab isku daraya markaas buu oradkii sii kordhiyay ilaa uu ka soo gaaro halkii reer Bashkir ku sugayeen. Waxa uu arkay qorraxdii oo baalka godka gelisay. Argagax baa Pakhom ku kediyay, waxa uu xusuustay riyadii xumayd ee xalay.

Waxaa u muuqday Ugaaskii reer Bashkir oo dacal fadhiya kobtii uu saaka Pakhom calanka ka mutay. Oradkii ayuu sii kordhiyay, reer Bashkirna sacab iyo sawaxan bay isku dareen ayaga oo ku qayliyay “waad guulasatay! Waad guulaysayay!)

Laakiin Pakhom oo haah iyo huuh gabay oo aan juuq oran karin oo ordaya baa af-af ugu soo agdhacay halkii Ugaaskii reer Bashkir fadhiyay, Ugaaskiina waxa uu Pakhom ugu hambalyeeyay guusha wayn ee uu gaaray asaga oo leh “waxa aad milkisay dhul aad u baaxad wayn.”

Balse Pakhom afgembigii uu u dhacay waa uu ka soo toosi waayay. Ka dib waxaa ku soo orday oo toosiyay addoonkiisi laakiin addoonku waxa uu toosinayaa Pakhom oo galbaday.

Dabadeed addoonkii inta uu badeel iyo sabarad soo qaatay ayuu Pakhom u qoday qabri lix cagood (6 feet) ah. Lixdaas cagood un baa Pakhom u baahnaa.

W; D: Cali M Diini

Hadalsame Media