Maraykanka oo bayaaniyey sida qura ee ay ku aqoonsan karaan Somaliland (Qorshaha ay hadda wadaan?)

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2022 – Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Larry Andre, ayaa mar kale sheegay in Maraykanku uu hal siyaasad ku wajahayo Soomaaliya, uuna aqoonsan yahay xuduudkii la sameeyey xilligii xorriyadda.

Danjiraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad Jimcihii ka dhacday magaalada Minneapolis oo qayb ka ah dabbaaldegga xuska Xorriyadda Soomaaliya kaas oo socon doona muddo toddobaad ah.

“Siyaasaddeennu waa mid la mid ah tii 62-kii sannadood ee ugu dambeeyey, taas oo aqoonsan xadka taariikhiga ah ee Soomaaliya, tan iyo markii ay British Somaliland ay doorteen inay ku biiraan dalkii la isku oran jirey Italian Somaliland si ay u dhistaan dal.” ayuu yiri Danjiruhu.

Danjire Andre waxa uu sheegay in aqoonsiga maqaamka madax-bannaanida ay tahay  arrin ay si gaar ah u go’aamin karaan Soomaaliya iyo Somaliland oo qura.

Wuxuu intaas ku daray in Maraykanku ay wax ka bedeli doonaan siyaasaddooda ku wajahan ”Hal Soomaaliya” kaliya haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan in xaaladda isbedel lagu sameeyo.

Ku dhowaad ​​100 Soomaali-Maraykan ah ayaa ka soo qaybgalay kulankan  su’aalaha iyo jawaabaha lahaa.

Waxaa ka mid ahaa khudbado gaagaaban oo ay soo jeediyeen hoggaamiyayaal magac wayn ku leh bulshada oo ay ka mid yihiin, Ilhaan Cumar oo ku jirta Aqalka Wakiillada Maraykanka, Hodan Hassan, Mohamed Noor iyo Aisha Gome, iyo dad ganacsato ah iyo dad ka socda magaalooyinka mataanaha ah.

Hadalsame Media

Facebook Comments