Ruushka oo ugu dambayn gacanta ku wada dhigay Luhansk (Magaalo bilo lagu loollamayey oo ay qabsadeen)

0

(Hadalsame) 03 Luulyo 2022Haraadigii ugu dambeeyey ee ciidamada Ukraine ayaa laga saaray wax uu Ruushku ku sheegay ”Jamhuuriyadda Dadka Lugansk (LPR)”, sida kasoo baxday Wasiirka Difaaca Ruushka ee Sergey Shoigu ayaa arrintaa iminka ku dhawaaqay.

Waxa uu Wasiirku warkan u sheegay Madaxwayne Vladimir Putin, sida ay faafisay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka oo bayaan soo saartay.

Shoigu waxa uu intaa raacshey in Ciidamada Ruushka iyo kuwa Donbass ay si buuxda ula wareegeen magaalada Lisichansk, oo ahayd magaaladii ugu dambaysey ee ugu waynayd ee ku hartay gacanta Ukraine tan iyo 2014-kii, markii LPR ay ku dhawaaqday ”madaxbannaanideeda wax yar kaddib wax ay Moscow ku sheegtay ”afgembigii Kiev”, kaasoo lagu ridey xukuumad iyada olog la ahayd oo Ukraine ka jirtey.

Ruushka iyo Ukraine ayaa sheegaya inuu dagaal culusi ka dhacay agagaarka Lisichansk horraantii todobaadkan, iyadoo dagaalka ugu xooggani uu ka dhacay Wershadda Saliida Sifaysa ee magaalada.

Wararkan ku saabsan qabsashada Lisichansk ayaa ytimid kaddib markii Ciidamada Ukraine ay sidoo kale ka baxeen Severodonetsk, oo ah magaalo u dhow dhinaca kale ee daanta webiga Seversky Donets, usbuucii hore.

Dagaalka Severodonetsk wuxuu holcayey dhowr bilood.

Hadalsame Media