MW Shiinaha oo MW Somalia dalab cusub usoo bandhigay & tafaashiisa waxa uu doonayo

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2022 – MW Shiinaha ee Xi Jinping ayaa dhiggiisa Somalia ee Xasan Sheekh ugu hambalyeeyey munaasabadda xuska sanadguurada 62-aad ee madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo uu Madaxwayne Xi Jinping uu dhambaal hambalyo ah oo qoraal ah u diray Madaxwayne Xasan.

”Madaxweyne Xi Jinping waxaa uu sheegay in uu jeclaan lahaa inuu kala shaqeeyo Madaxwayne Xasan Sheekh sii joogtaynta iyo in heer cusub la gaarsiiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan si ay ku jirto maslaxadda labada dal iyo labada shacab.” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo la mariyey Safaaradda Shiinaha ee Somalia.

Waxaa uu Soomaaliya u rajeeyey guul iyo barwaaqo, shacabka Soomaaliyeedna nabad iyo farxad.” ayaa lasii daba dhigay.

Shiinaha ayaa beri dhowayd markii ugu horreeysey tan iyo burburkii gaadiid ciidan soo gaarsiiyey DF Somalia, iyadoo ay Shiinuhu dalka Somalia ka fulin jireen mashaariic fara badan oo uu ugu waynaa midkii korontada iyo bariiska ee Faanoole iyo dhowr dhisme oo ay u sameeyeen Somalia.

Hadalsame Media