”Isla dayuuraddii aad ku cararteen ayaan mucaawino ku gayney!” – Shiinaha oo si xun ugu digtey Maraykanka & howl uu la wado Daalibaan

0

(Beijing) 02 Juun 2022 – ”Diyaarado la mid ah noocii uu Maraykanku u isticmaalay ka bixitaankiisii fowdada ahaa ee Afgaanistaan ee ay dagaalladu aafeeyeen, ayuu Shiinuhu waxa uu hadda kusoo qaadayaa saadka dib u dhiska gobol dalkaas ka tirsan oo uu ku dhuftay dhulgariir wayn,” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Beijing.

“Diyaarado gaadiid oo isla mid ah, balse ka qabanaya howlgallo kala duwan dalka Afgaanistaan,” ayuu Zhao Lijian bartiisa twitter-ka ku soo qoray. Waxa uu taas ku laray screenshot Ingiriisi ku qoran:

“Diyaaradaha Maraykanku waxay qaadeen dadkoodii burburka kaddib, diyaaradaha Shiinaha se waxay keeneen sahay gargaar oo dib u dhis ah.” ayuu soo qoray.

Mid ka mid ah sawirrada waa muqaalka dayuuradda astaanta u ah xamuulka Ciidamada Maraykanka ee US C-17 Globemaster III oo isku dayaysa inay Kabul ka duusho Agoosto 2021-kii.

Xilli ay hareereeyeen dada Afgaanistaaniyiin ah ​​quus taagan oo isku dayaya inay ku daba dhegaan. Xagga hoose waxa ku yaalla sawirka Shiinaha dayuuradda Shiinaha ee Xian Y-20, oo keenaysa alaabooyin gargaar ah usbuucii hore.

Xian Y-20, waxaa Shiinaha lagu xantaa inuu ka sameeyey naqshad uu ka xaday shirkadda Boeing ee Maraykanka oo samaysa dayuuraddan US C-17 Globemaster III.

Shiinaha ayaa xiriir toos ah la leh kooxda Daalibaan ee haatan xukunta dalka Afghanistan.

 

Hadalsame Media