TAYADA UGU MUDAN INSAANKA: Hal tayo oo ummadda maanta kusii daba-yar & qiyaas yaab leh oo uu ka bixiyey al-Khawarismi

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2022 – Muxammad bin Musa al-Khawarismi oo ahaa Xeeldheere Culuumta Xisaabta iyo Cilmi Falaga oo Muslim oo loo yaqaan “Aabiha aljebra” ayaa la waydiiyay Su’aal ku saabsan Qiimaha Bini’aadamka, waxa uuna ku jawaabay.

Hadii Bini’aadamku yahay mid u saaxiib ah akhlaaq waa 1.

Hadii Bini’aadamku yahay mid u saaxiib ah qurux waa 10, isaga oo ku daray eber (0)

Hadii Bini’aadamku yahay mid u saaxiib ah maal/hanti waa 100, isaga oo ku darayeber (0)

Hadii Bini’aadamku yahay mid u saaxiib ah nasab fiican (abtirsiimo dad saalixiin ah) waa 1000, isaga oo ku daray eber (0)

Hadii ay tagto tirade Hal (1) oo ah akhlaaqda, waxaa tagaya oo baaba’ya qiimaha insaanka, waxaana soo haraya tirada eberka oo aan wax qiimo ah lahayn.

إنما الأمم الأخلاق ما بقيت…فإن هم ذهبت أخلاقهم ذهبوا..
Soomaaliya ma dhowa.

W;D: Xuseen Saxnuuni

Hadalsame Media