Inter Milan oo ganaax kusoo rogeysa laacibka Hakan Calhanoglu (Arrin muhim ah oo uu ka il-duufay)

0

(Milano) 01 Luulyo 2022 – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Turkiga ee Hakan Calhanoglu ayaan xitaa ka gabban inuu ku eedeeyo macallinkiisa Simone Inzaghi guuldaradii Scudetto ka raacay kooxdiisa Inter, isagoo tixraacaya soo laabashadii derby-ga Milano ay ka samaysay kooxda AC Milan oo 2-1 uga badisay.

“Inter aad ayay uga awood badan tahay Milan laakiin ciyaartaas ayaa is bedeshay daqiiqadii 75-aad, 1-0 ayaan lahayn, balse kaddib markii aniga iyo Perisic nala bedeley. Tababaraha ayaa gacan ka gaystey guuldarrada, waana xitaa u sheegay isaga.” ayuu ku dooday Calhanoglu.

Erayadan ka yimid Calha si wayn loogama farxin dhanka xerada tababarka ee Appiano Gentile, waxaana laacibka laga qaadi karaa tillaabo anshax marin ah.

Sida laga soo xigtey Gazzetta dello Sport, Inter Milan ma aysan jeclaysan waraysiga iyo codadka uu isticmaalay Calhanoglu gebi ahaanba, waxaana marka eedaha uu jeediyey laga yimaado aanu ciyaaryahanka Turkigu samaynin wax wargelin ama ogaysiin ah oo uu kooxda Inter ugu sheegayo inuu sheegi doono hadallo noocan ah oo ay ka maqan yihiin xushmadda iyo xirfadlennimadu.

Inter ayaa diyaar u ah inay ganaax ku soo rogaan Hakan oo markii dambe isku dayey inuu si dadban u qanciyo macallinka Nerazzurri:

“Qaar ka mid ah erayadayda ayaa si khaldan loo fasiray: Waligay ma dhaleeceyn tababare, iskaba daa tababare Inzaghi oo aan u arko inuu aad u wayn yahay oo yahay qofka sida xoogga leh iiga doonayay Inter ina aaminey. Haddii aan xilli ciyaareed heer sare ah soo qaadanay, oo aan ku guuleysanay laba koob, mudnaanta ugu badan waxaa leh isaga.”

Hadalsame Media