MW Xasan Sheekh oo looga digey arrin sanadihii dambe lagu dhibsaday madaxda Somalia (Daawo)

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2022 – Waxaa wixii ka dambeeyey Xukuumaddii Sheekh Shariif caan noqonayey kelmadda ”Milkiilaha Dowladda”, taasoo weliba aad usii caan baxday 5-tii sano ee ugu dambeeyey.

Arrintan oo xadgudub ku ah dowladnimada oo ah wax ummadda oo idil ka dhexeeya islamarkaana hareer marsan Dastuurka dalka iyo danta guud ayaa waxaa MW Xasan Sheekh uga digey weriyaha iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Diinaari.

Diinaari ayaa sheegay in ay durba suuqa soo gashay in ay soo socdaan milkiilayaal cusub kuwaasoo xitaa ku ciyaara Madaxwaynaha oo xitaa wax qaban lahaa uu jidka ka leexiyo oo wixii uu doono ku sameeyo awooddii Madaxwaynaha iyadoo mararka qaar uu ku camal falo awoodo kaba badan kuwii uu xaqa Dastuuriga ah u lahaa Madaxwaynuhu.

Diinaari ayaa sababta ”milkiilaha” dhalinaysa ku sheegay inay tahay lacago laga soo qaado Imaaraadka oo qof loo xilsaaro kaasoo qofkii uu lacagta kusoo saaray hadhoow majaraha u qabanaya isagoo maroorsanaya awooddii iyo sharciyaddii ay shacabku siiyeen qofka ay doorteen iyagoo soo maraya Baarlamanka.

Xasan Bariise oo isna ah weriye hore doorashadii ugu dambayseyna Madaxtinnimada isu sharraxay ayaa isna ku baaqay in wixii khaldama dusha loo saaro qofkii markaa Madaxwayne ah, maadaama uu isagu mas’uuliyadda ku magacaaban yahay.

Hadalsame Media