Muuqaal la helay oo muujinaya dayuuradda Ruushka ee Ka-52 oo gantaalo lagu harqinayo (Daawo)

0

(Hadalsame) 30 Juun 2022 – Dayuuradda qumaatiga u duusha ee Ruushka ee Ka-52 ayaa si dirqi ah uga badbaadey gantaalka garabka laga tuuro ee MANPADS, iyadoo uu soo baxay muuqaal laga duubay dhanka dayuuradda lafteeda.

Dayuuradda Ka-52 ayaa Ruushka horay looga soo ridey 16 helikobtarradan ka mid ah intii uu soconayey dagaalka Ukraine, waana wax ka yara badan 10% dhammaan tirada guud ee raxanta Ka-52 ee Ruushka, sida ay warbixintu sheegayso.

Kamov Ka-50 “Black Shark” waa helikobter weerar ah oo Midowgii Soofiyeeti/Ruush ah oo leh nidaamka rotor coaxial gaar ah ee xafiiska naqshadeynta Kamov.

Dayuuraddan oo sidoo lagu naanayso ”Yaxaaska Madow” ayaa waxaa la naqshadeeyey xilligii Soofiyeedka ee 1980-meeyadii balse waxay adeegga Ciidamada Ruushka galeen 1995-kii.

Waxaa soo saartay shirkadda Arsenyev, iyadoo ku caan ah inay leedahay laba marawaxadood oo kala sarreeya.

Hadalsame Media