Ciidamada Ukraine oo sameeyey maduufiko dagaallada Somalia loo isticmaali jirey + Sawirro

0

(Hadalsame) 30 Juun 2022 – Madaafiic ku filan oo aysan haynin awgeed, Ukraine ayaa waxay howlgelisey daraasiin ah gawaarida gaashaaman ee MT-LB S8 ah.

Arrimuhu waxay bilaabaan inay noqdaan kuwa aad u xiise badan. Tusaale, gaarigani waxa uu ku hubaysan yahay laba gantaal oo laga soo furay diyaarad kuwa qumaatiga u duula (helicopter) ah iyagoo loo ridi karo qaab saalbo ahaan.

Labada qayboodba waxay ka kooban yihiin 40 gantaal oo aan la hagi karin wadar ahaan waxaana lagu faarujin karaa wax ka yar 30 ilbiriqsi, taasoo ka dhigan in heerka dab-ridka gaarigani uu yahay 100 gantaal daqiiqaddii, taasoo la micno ah inaad ridi karto hal gantaal ku dhlwaad nus-ilbiriqsi kasta.

Taasina xoogaa waa dab-rid halis ah. Gantaalaha laga ridi karaa waxay leeyihiin madaxyo ah nooca HEAT-MP oo meeshii ay ku dhacaan gudaha u geli kara dhumuc dhan 420mm.

Yeelkeede, gaarigan sida oo culus ayaa xawaare ahaan gaabis ah marka la barbar dhigo gawaarida gaashaaman ee dagaallama (AFV), waayo ugu badnaan wuxuu socon karaa masaafo aan ka badnayn 60 km/saacaddii.

Arrintan ayaa xilliyadii lagu jirey bilowgii dagaallada sokeeye ee Somalia ayaa aad loo adeegsan jirey qaabkan iyadoo dayuuradaha inta laga furo la saari jirey gawaari ay ka mid yihiin kuwa dusha ka furan ama la jaray ee Toyota Land Cruiser-ka iwm.

Hadalsame Media