Norway oo cod kale ku hadashay kaddib markii uu Ruushku u gooddiyey (Maxaad ka taqaan jasiiradaha Norway ka tirsan ee uu Ruushku deggan yahay?)

0

(Oslo) 30 Juun 2022 – Norway ayaa sheegtay inaysan Ruushka ka hor istaagaynin gelitaanka jasiiradaha Arctic ee Svalbard, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkan woqooyiga Yurub oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Hadalka Wasiir Anniken Huitfeldt ayaa yimid kaddib markii Ruushku uu Arbacadii ku eedeeyey Norway inay carqaladeeynayaan keenista sahayda muhiimka ah ee halkaa u socota waxayna ku hanjabeen inay ka aargoosanayaan Oslo oo ay ka qaadayaan ”tillaabo aan la cayimin” haddii ay diidaan gelitaanka Svalbard.

Svalbard, oo u dhaxaysa xeebta woqooyi ee Norway iyo cirifka woqooyi, waa qayb ka mid ah dalka Norway, laakiin Ruushku wuxuu xaq u leeyahay inuu ka faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee jasiiradahan ku jira sida uu dhigayo heshiis la kala saxiixday 1920-kii, qaar ka mid ah degsiimooyinka halkaas ku yaallana waxaa deggan inta badan dadka Ruushka.

Norway oo xubin ka ah NATO, balse aan ku jirin Midowga Yurub, ayaa hirgelisa cunaqabataynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah Ruushka, waxayna sheegtay in cunaqabatayntaasi aysan saamayn ku yeelan doonin gaadiidka badda ee Ruushka ee socda jasaa’irka Svalbard.

Yeelkeede, inta badan xamuulka loogu talagalay degsiimooyinka Ruushka ah ee jasiiradahaasi, ayaa si kastaba ha ahaatee, waxay marka hore tahay inay maraan waddada kala barta xudduudda u dhexeysa Ruushka iyo Norway dhul waynaha caadiga ah, taas oo ay saamaynaysey cunaqabataynta alaabada iyo badeecadaha ee Ruushka la saaray.

Hadalsame Media