“Jawaab la mid ah ayaan ka bixin doonnaa!” – Putin oo ka hadlay waxa ay fali karaan haddii ay Swe & Fin ku biiraan NATO

0

(Moscow) 30 Juun 2022 – Gaashaanbuurta NATO ayaa dalalka reer woqooyiga ah ee Sweden iyo Finland ugu yaboohday inay kusoo biiraan isbahaysigan.

Haddaba, MW Ruushka ee Vladimir Putin ayaa markii ugu horreeysey hadlay tan iyo markii ay Sweden iyo Finland ay la heshiiyeen Turkiga oo ka hor taagnaa gelitaanka NATO.

Wuxuu sheegay inuusan guud ahaan dhib ku qabin inay dalalkani ku biiraan isbahaysigan uu Maraykanku hor boodo.

Yeelkeede, waxa uu sheegay in uusan meesha ka saari doonin xiisado cusub oo dalalkaas kala dhaxeeya haddii Sweden iyo Finland ay ku biiraan NATO.

“Ruushka wuxuu ku jawaabi doonaa isla awood la mid ah haddii kaabayaasha ciidan ee NATO la geeyo Finland iyo Sweden.” ayuu Putin u sheegay Wakaalada Wararka ee ay dowladdu maamusho ee Ria.

Putin ayaa sidoo kale cambaareeyey wax uu ku tilmaamay isla sarraynta NATO iyo is ballaarinta ay wadaan.

Hadalsame Media