Xilliga ay ku beegan tahay Ciidul Adxaa oo lagu dhawaaqay (Khilaaf yar oo ka taagan)

0

(Hadalsame) 30 Juun 2022 – Dalka Sucuudiga Carbeed ayaa ku dhawaaqay in la arkay bisha Dul-Xijjah (Carrafo), taasoo ka dhiggan in haatan lasii og yahay maalinta ay sidoo kale ku beegan tahay Ciidul Adxaa ee sanadka 2022 oo ah Ciidda ugu wayn Islaamka.

Dowladda Sucuudiga ayaa waxay sheegtab in bisha Carrafo xalay laga arkay goobta loo yaqaan Tamirka ee dalkaasi Sucuudiga Carbeed, iyadoo maalinta Carrafo la istaagayaa ay ku beegan 8-da bisha soo aaddan ee Luulyo oo Jimce ah, halka maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ay noqonayso Sabtiga 9-ka Luulyo 2022-ka.

Dalalka kale ee Islaamka ayaa iyana bilaabay howlo ku saabsan helista dhalashada bisha Dul-Xijjah si ay deeto usii bayaaniyaan maalinta ay u bilaabmayso munaasabadda Ciidul-Adxa.

Dalal ay ugu horreeyaan Malaysiya, Indonesia iyo Burunai ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inaan la arkin bisha Dul-Xijjah ama Carrafa, taasoo ka dhigan in dalalkaasi ay Ciidul Adxaa usoo geleyso Axad, 10-ka Luulyo 2022-ka.

Yeelkeede, dalal badan oo Islaam ah ama Carab ah ayaa badiyaa Sucuudiga Carbeed uga dambeeya bilashashada Bilaha Dul-xijjah, Ramadaanka IWM maadaama ay iyadu maamusho laba goobood oo ka mid ah kuwa ugu barakaysan dunida Muslimka, waloow ay jiraan dalal badan oo howlohooda iyagu qabsada.

Hadalsame Media