Maxaadan ogayn oo ay xogtaada ku samaysaa Tik Tok?! ( Google & Apple oo laga adeejiyey)

0

(Hadalsame) 29 Juun 2022 – Dowladda Maraykanku waxay doonaysaa in dunida teknolojiyaddu ay mamnuucdo app-ka TikTok kaddib markii ay warbaahintu sheegtay in laanta Tik Tok ee Maraykanku ay ka been sheegtay in aanay xogaha gaarka ah u dirin Dowladda Shiinaha.

DF ayaa soo jeedisey in Tik Tok laga saaro barnaamij-howleedyada ay maamulaan Google iyo Apple, sida uu Brendan Carr – oo ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa Komishanka Isgaarsiinta Federaalka (FCC) – uu u qoray  shirkadahan Maraykanka ah isagoo gacan dhaaf ku eedaynaya Tik Tok.

Carr wuxuu cabasho la wadaagey Google iyo Apple todobaadkii hore, isaga oo codsanaya ka saarida TikTok ee barnaamijyadooda, isagoo Tik Tok ku sheegaya “agab casri ah oo lagu xado xogo badan oo gaar ah misna xasaasi ah.”

Guddoomiyahan ayaa soo xigtey warbixintii Juun 17 ee BuzzFeed, taas oo ku eedaysay, in kasta oo ay Tik Tok dammaanad qaad u samaysay dadwaynaha, in laanteeda Maraykanku aysan ka ilaalin xogaha gaarka ah shirkadda iyada iska leh ee Shiinaha ah ee ByteDance.

Eedaymahan ayaa salka ku haya duubista doodo hoose oo ay Tik Tok sheegtay inay heshay.

Carr wuxuu u sheegay Google iyo Apple in sheekadaasi ay kuwii ay horay u hayeen “ku darayso cadaymo xad dhaaf ah oo muujinaya in TikTok ay khatar wayn ku tahay amniga qaranka” Maraykanka, sida uu ku doodayo.

Waxa uu sheegay in uu jiro shaki ay qabaan xubnaha labada xisbi ee ugu waawayn Maraykanka ee ku jira Koongarayska, isaga oo si hordhac ah ugu baaqay shirkadahan gaarka loo leeyahay in ay joojiyaan adeegga ay siiyaan Tik Tok.

Tik Tok ayaa waloow ay yaraysatay nuxurka warbixinta ay daadisay BuzzFeed, waxay misna qiratay in injinneerradeedu ay gacanta ku dhigeen xogo gaar ah taasoo ay ku tilmaantay wax caadiyan dhaca, iyadoo ku marmarsootay in xogaha ay u rarayeen server-rada Oracle si loo ilaaliyo badbaadooda.

Tik Tok ayaa u muuqata mid ku socota jidkii camaaliqada kale ee Shiinuhu leeyahay ee Huawei oo lagu eedeeyey inay u basaasto nidaamka Beijing.

Hadalsame Media