Jabuuti oo munaasabad wayn ku qabatay gudaha dalka Somalia & meesha + Sawirro

0

(Hadalsame) 29 Juun 2022 – Beledwayne–Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee ATMIS ayaa maanta oo Isniin ah xusay 45-guuradii ka soo wareegtey markii ay xornimada qaateen, taasoo ka dhacday xarunta guud ee magaalada Beledwayne, Maamul-goboleedka Hirshabeelle.

Jabuuti ayaa xornimada ka qaadatay Faransiiska 27-kii Juun 1977-kii.

Xaflada oo uu hoggaaminayey taliyaha ciidamada ATMIS ee Jabuuti Gaashaanle Sare Xasan Jaamac Faarax ayaa waxaa ka soo qaybgalay Taliyaha Qaybta Afraad ee ATMIS Gaashaanle Sare Xaamud Axmed Maxamed, Madaxda Degaanka, iyo wakiillo ka socdey bulshada rayidka ah.

Taliyaha ayaa khudbadiisa ku maamuusay geesiyaashii ka dhintay halgankii gobonimo doonka.

“Maanta waxaan dib u milicsanaynaa naf-hurnimadoodii; dad badan ayaa ku dhintay, hanti ayaa ku luntay, qaar kalena waa laga musaafuriyey guryohoodii. Halgankooda ayaana noo horseeday xorriyadda,” ayuu yiri Gaashaanle Xasan.

Guddoomiye Xigeenka dhanka Maaliyadda iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Hiiraan, Abuukar C/llaahi Maadeey, ayaa bogaadiyey taageerada Ciidamada Jabuuti ee ATMIS ay u fidiyeen bulshada si loo wiiqo Al-Shabaab.

“Ciidanka Jabuuti waxay qalbiyadeenna ku leeyihiin meel gaar ah. Xiriir aad u wanaagsan ayaa naga dhaxeeya, waxay bixiyaan amni iyo gargaar bini’aadminninimo xilliyada aadka loogu baahan yahay,” ayuu yiri Guddoomiye Xigeenku.

Dhanka ATMIS, Ciidamada Xoogga Jabuuti waxay la shaqeeyaan dalalka kale ee ay ciidamadu ka joogaan dalka, sida Uganda, Burundi, Kenya, iyo Itoobiya.

Hadalsame Media