”Ciidamo ayaan qabsannay” – Suudaan oo weerar ku qaadday Itoobiya & Masar oo xaaladda sii shidaysa

0

(Hadalsame) 28 Juun 2022 – Ciidamada Sudan ayaa sheegay inay weerar ballaaran ku qaadeen Ciidamada Itoobiya ee ku haray gudaha degaanka lagu muransan yahay ee Al Fashaga maanta, sida ay xaqiijisay Sudan Tribune.

Weerarkan ayaa dhacay kaddib markii la diley 7-askari oo u dhashay dalka Sudan oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Ethiopia 22-kii bishan Juun, waxaana maydadkooda lagu soo bandhigay waddooyinka, sawirradoodana lagu faafiyey baraha bulshada.

Wariyaha Sudan Tribune ee Gadaref ayaa sheegay in Ciidamada Sudan ay dib ula wareegeen degaanada Kala-Leban, Barkhat iyo buuraha Tesfai Adawi ee Fashaga, isagoo intaa raaciyey inay xitaa qabsadeen askar Itoobiyaan ah oo nool.

Shalay oo Isniin ahayd ayay Dowladda Itoobiya sheegtay in askarta Sudan laga soo qabtay gudaha dhulka Itoobiya ayna dileen malleeshiyaad hubeysan. Balse Ciidanka Sudan ayaa dilka ku eedeeyey ciidanka Itoobiya.

Madaxa Golaha KMG ah ee Suudaan xukuma oo sidoo kale ah Abaanduulka Guud ee Ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhaan ayaa hadal uu ka jeediyeay Al-Fashaga ku ballanqaaday in uu u aargudi doono askartii lagu laayey Itoobiya, kaddibna waxay weerareen aagga Al-Fashaga.

Burhan ayaa ballanqaaday inay dadka Suudaan u fasixi doonaan Al Fashaga oo ka baxsan xadka loo aqoonsan yahay Sudan, taasoo u kala baxda 3 qaybood oo kala ah; Fashaqa Al Suqraa, Fashaga Al Kubraa iyo qaybta Koonfureed, iyadoo ay Addis Ababa ay Sudan ku eedaysay inay ku jiraan dhulkooda, taasoo ay Sudan diiddey.

Madaxtooyada Masar ayaa arrintan si uga faa’iidaysanaysa iyadoo sheegtay in Madaxwayne Abdel Fattah al-Sissi oo booqanaya Saldanadda Cumaan uu la hadlay al-Burhaan oo uu uga tacsiyeeyey “dhimashada shuhadada waajibaadka gudanaysey ee Suudaan” oo uu ula jeedey askarta la diley.

Hadalsame Media