Go’aan cusub oo kasoo baxay shir saacado u socdey Turkiga, Sweden, Finland & NATO (Maqaamka cusub ee dalalkan)

0

(Madrid) 28 Juun 2022 – Madaxwaynaha Finland, Sauli Niinisto, ayaa sheegay in Turkigu uu ogolaaday inuu taageero in Finland iyo Sweden ay xubin ka noqdaan Gaashaanbuurta NATO, maalintii ugu horreeysey ee shirka isbahaysiga ee ka socda caasimadda Spain ee Madrid.

Niinisto ayaa intaa raaciyey in horumarka Talaadadan uu yimid kaddib markii saddexda waddan ay saxiixeen heshiis wadajir ah “si ay si buuxda ugu taageeraan joojinta khataraha amni ee uu ku hayo midba midka kale”.

Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg iyo Madaxtooyada Turkiga ayaa si gooni gooni ah u xaqiijiyey heshiiskan, kaddib wadahadallo dhexmaray madaxa NATO, Madaxwaynaha Turkiga Tayyip Erdogan, Ra’iisul Wasaaraha Sweden, Magdalena Andersson iyo Niinisto.

Stoltenberg ayaa sheegay in 30-ka hoggaamiye ee NATO ay hadda ku casuumi doonaan Finland, oo xuduud dhan 1,300 km (810-mayl) la wadaagta Ruushka, iyo Sweden si ay ugu biiraan NATO iyo inay noqon doonaan “dalal loo martiqaaday si rasmi ah”.

Kaddib markii uu ka degey Madrid, Erdogan ayaa waxa uu wadahadallo ka badan laba saacadood la yeeshay hoggaamiyeyaashan Woqooyiga Yurub iyo Stoltenberg.

Ankara ayaa horay u diiddey in Sweden iyo Finland ay kusoo biiraan NATO iyagoo ku eedeeyey inay halis ammaan ku hayaan dalkooda, iyadoo haddii aanu Turkigu ogolaanin aysan dalalkani ku biiri karin isbahaysiga NATO maadaama 30-ka dal mid kasta codkiisa loo baahan yahay.

Hadalsame Media