Maxaa kala qabsaday gabar Soomaali ah & nin Yuhuud ah oo isu qariyey?!!

0

(Hadalsame) 28 Juun 2022 – Hadda kahor aan walaasheey aun Hawo Cadaawe London ugu tagay ,anagoo Dubai sii mareyno Somaliayana u socono 2008-kii.

Heathrow markaan ka duuley ayaa nin Carab u eg af Carabina ku hadlaayo fadhiga dayaaradda nagu sedexeeyo.

Walaashay AUN af Carabiga waxa ay u taqaan sidii Soomaaliga anna hal kama aqaan.

Ninkii iyo iyada ayaa Ingiriisi isku bilaabay ilaa Carabi dhiidhiin ah laysla galo, illayn Yuhuud ayay rifaayaan.

Aniga Allaheey waa ka Alle, waxay reer Bini Israil u dhameeyaan ayaa waqtigii degidda Dubai la gaarey.

Musqusha ay aaddey walaasheey. Ninkii intuu igu soo jeestey ayuu English igu yiri “Hooyadaa waxaad u sheegtaa markaan degno inaan anigu ahay Yahuud kasoo jeeda Ciraaq, oo aanan Carab ahayn.

“Hooyadeey maahan waa walaasheey e …. Maxaadan adigu ugu sheegin adinkaaba English iyo carabiba isku fahmaayee?!”

Woxoogaa wuu iga aamusey.

Gabadhii ayaa timid anoo is leh Yuhuudkaan miyaad caawa dhan ag fadhidey, waan u sheegay lama sugine ….

Intay xanaaqdey ay ku dhahday “Oo maxaad iila Caaynaysey maanta oo dhan nacaladi ha kugu dhacdee!” Boos kalana waa ay raadsatay.

Isagii waxaa uu ku dhahay “Soomaalidiinna ayaa na neceb maahee Carabta aad aaminsan tihiin baa boqolkiiba intii la doono Yuhuud ah oo dal Carab ah oon Yuhuud lahayn malahan.”

Anigii oo yaabban ayaa diyaaraddii degtey, waan baaray waxaanba ogaadey dal Carab ah oo aysan qabiilo reer Bini Israil ka tirsanaynba inuusan jirin, xitaa Sacuudi Carabiya oo ay diintooda iyo dhaqankooda ku dhex haystaan.

W; Q: Baarliin Caddaawe

Hadalsame Media