Guddoomiye Sacdiyo oo fadhigii shalay ku gashay khalad xirfadeed aad u wayn (Daawo)

0

(Muqdisho) 29 Juun 2022 – Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo ah Guddoomiye Xigeenka Golaha Shacabka ayaa shalay su’aalo adag waydiisey Wasiirka Maaliyadda, Dr Cabdiraxmaan Bayle, kaasoo shalay lasoo taagey madasha oo ay u dhamaayeen labada aqal ee Baarlamanka.

Waloow loo riyaaqay sida ay u maaraysay dhanka waydiinta su’aalaha iyo sheegista in la saxiixay xisaab-xirka, balse aan laga doodin oo aan Baarlamanka la horgaynin, misna waxay samaysay khalad xirfadeed (Professional mistake), waayo waxay ahayd in warqadihii la saxiixay uun lasoo gudbiyo ee aan dhankaa lagu murmin.

Guddoonka Baarlamanka, ama Afhayeenka aqal ka tirsan Baarlamanku marka uu fadhiyo booskii guddoonka waa inuu ahaa dhexdhexaad oo xisbi iyo koox gaar ah uma hadli karo, kuwa kalena kama horjeesan karo, sidoo kale howsha markaa ka socota baarlamanka ee laga doodayo inuu kala agaasimo oo doodda u kala qaybiyo mooyee isagu kama qaybgalo.

Howshiisu waa qaybinta doodda, tirinta codadka, furitaanka xiisadda baarlamanka, xiritaanka, qabashada mooshinnada iyo ku dhawaaqidda wixii loo codeeyey IWM.

”Guddoomiyuhu waa Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta, sidaas awgeed waa inuu ku dhaqmaa awood maarayneed iyo dhexdhexaadnimo isla socda labadaba, waayo waa “wakiil madax-banaan oo dhexdhexaad ah.” ayaa ku qoran Dastuurrada iyo xeer-hoosaadyada.

Sidaa darteed, khaladka dhacay waa in Sacdiyo ay ka qaybgashay howshii socotey oo ay ka gashay dhinac aan iyada khusaynin, maadaama ay boos guddoon joogto.

Hadalsame Media